COVID-19 Talooyin Ka haayada caafimaadka ee dadweynaha

COVID-19 Talooyin Ka haayada caafimaadka ee dadweynaha

COVID-19 Talooyin Ka haayada caafimaadka ee dadweynaha

Guriga joog, Caafimaad qab

Maarso 23 deeda, Guddoomiye Jay Inslee ayaa soo saaray amar dowladeed (Guriga joog, Caafimaad Qab). Baaqaas wuxuu sheegayaa in:

  • Degane kasta oo ku nool Washington waxaa laga rabaa inay guriga joogaan hadii aysan baahi degdeg ah qabin mooyee
  • Dhamaan shirarka loogu talagalay arrimaha bulshada, diinta iyo ujeeddooyinka madaddaalo waa mamnuuc.
  • Dhamaan ganacsiyada marka laga reebo ganacsatada muhiimka ah waa in la xiraa. Ganacsiyada ku shaqeyn kara teleefon ama ka shaqeyn kara guriga way sii socon karaan. Ganacsiyada lama huraanka ah waxaa ka mid ah dukaamada raashinka, farmashiiyada, bangiyada, xaruumaha caafimaadka, yutiilitida (sida biyaha iyo korontada), gaadiidka, xanaanada caruurta iyo waxii la mid ah.

Maxaa la oggol yahay

  • Dukaamaha Raashinka, cuntada laga dalbado maqaayadaha (adeegyada cunno gaarsiinta waa la oggol yahay)
  • Imaatinka ballamaha caafimaadka iyo tagista farmashiyaasha.
  • Lugaynta, orodka, bushkuleetiga iyo beeraha oo la beero.
  • Markaad banaanka u baxeyso waa inaad 6 fiidh u jirtaa dadka kale.
  • Aadista kaalinta shidaalka, bangiyada cuntada, dukaamada ku habboonka ah, bangiyada iyo dhar dhaqista
  • Sii wad shaqada haddii aad "ganacsiyo muhiim ah tahay"

Maxaa la ogolayn?

  • Kaqeybgalka nashaadaad kastoo oo madadaalo ah, hiwaayad ama naadiyo bulsho
  • Imaanshaha ama ciyaarista isboortiga iyo tabaabarka
  • Aadista xafladaha aroosyada ama aaska
  • Booqashada matxafyada, shaleemoyinka, matxafyada farshaxanka iyo lacag aruurinta
  • Aaditaanka riwaayadaha iyo dabbaaldegyada
  • Ka shaqeynta xarun jimicsi ama meel lagu jimicsodo
  • Aadista mehradada ciddiyaha, timo jaraha iyo kuwa tattooga
  • Aadida baararka ama wax ka cunista maqaayadaha (labadaba hawlo horeyba waa mamnuuc)

Xarunta Wicitaanka: Helitaanka adeegyada tarjumada

Tarjubaano luuqadeed ayaa Xarunta Wicitaanka ee King County kooronafayras diyaar kuugu ah.

Si aad u codsato turjubaan:

  • Wac 206-477-3977
  • Fariin ayaa maqli doonta. Sug hawl wadeenaha xarunta wicitaanka
  • Codso luqadda aad rabto adoo Ingiriis ku hadlaya.
  • Tusaale ahaan: dheh “Isbaanish"(ha dhihin isbanyool).
  • Shaqaalaha xarunta wicitaanku ayaa wici doona tarjubaan. Ha dhigin telefoonka. Joog ilaa laguugu xiro tarjubaan.
  • Su'aashaada tarjubaanka weydii

Source: King County Public Health